|

Suldaan Daakir Oo Si Kulul U Cambaareeyay Falal Ka Dhacay Borama Iyo Gabiley

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah salaadiinta Beelaha Gabooye waxaa uu si kulul ugu canbaareyay falal ka kala dhacay deegaanada Gabiley iyo Booramo kuwaasi oo lagu kacay dad ka soo jeeda qoomiyada Gobboyaha ee degta deeganadaasi. Warsaxafadeedka oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidatan:

Warsaxaafadaedkani oo uu soo saaray Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah salaadiinta Beelaha Gabooye waxaa uu si kulul ugu canbaareyay falal ka kala dhacay deegaanada Gabiley iyo Booramo kuwaasi oo lagu kacay dad ka soo jeeda qoomiyada Gobboyaha ee degta deeganadaasi.

Warsaxafadeedka oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidatan:

Waxaa Mudooyinkii u danbeeyayba wax caadiya iska noqda handadaada iyo tacadiga ku slaysan takoorka iyo hayb sooca lagula kaco bulshada ku abtirsata gabooyaha kuwaasi oo dhibaatooyin laxaad leh kala kulma dhamaanba Gobolada Somaliland iyo dhulka somaliyeedba.
Dhacdooyinka xusida mudan ee aan indhalaha laga qrsankarin ee lagu waxyeeleyay dad ka soo jeeda beelaha gabooyaha ayaan xusi karnaa dhacdo aad u fool xun oo ka dhacday magaalada Gabiley taasi oo salka ku haysay jacayl dhexmaray laba qof oo dhalinyaro kuwaasi oo kala ahaa Khadar Mooge Mursal oo ka soo jeeda Beelaha Gabooye iyo Nimco Cali ibraahin oo iyana ka soo jeeda dadka deegaankasi waxana labadani qof dhexmaray jacayl uu ilahay ku beeray tan iyo markii ay arintani soo baxdayna waxaa dhibaato xoogan iyo handadaad lagu hayay qoyska uu ka soo jeedo Khadar Mooge Mursal taasi oo keentay in arintooda loo gudbiyo maxkamada sare ee Gobolkaasi taasi oo markii ay mudo socotay maxkamada la hor keenay labadaasi dhalinyarada ah taasi oo weydiisay labadoodaba su’aal ahayd inay ka waran xaalkooda kuwaasi oo jawaabta ay bixinayaana ay marwalba ahayd inay isjecelyihiin rabitaankooda ay ku doonayaan inay isguursadaana kagy tixgaliyo.

Tan iyi markii Kiiskaasi Maxkamadu soo afjartay ayaa waxaa si kordhy dhibaatada iyo neceybka lagula kacayay qoyska uu ka dhashay wiilkani dhalinyarada ahi taasi oo si weyna u halis galisay noloshiisa iyo mida qoyskiisaba.

Maaha oo kaliya dhacdadani balse dhacdo tan la mid ah ayaa iyana ku dhexmartay magaalada Boorme wiil ka soo jeeda Beelaha Samaroon iyo gabadh ka soo jeeda Beesha Gabooyaha taasi oo keentay in ka dib markii laysku diiday dhalinyaradani inay is guursadaan galaaftay Nolosha wiilkii gabadhaasi jeclaa kaasi oo geeri ka doortay inuu ku noolaado nolol cidhiidhi ah.

Iyadoo falknai iyo falal kaloo badani ay jiraan ayaan hadana ila ahaatan waxaan muuqan cid iyadu si gaara isaga xilsaartay ka gubida gidaarkani ku salaysan takoorka iyo dhibaatooyinka loo gaysanayo dadka ku abtirsada Beelaha Gabooyaha.

Waxaan uguBaaqaynaa Beelaha Isaaq,Samaroon,Harti iyo inta ku abtirsataba somalinimada inay joojiyaan dacadiga aan dalada lahayn ee au kula kacayaan beelaha gabooye hadii kale waxaan leeyahay beelaha gabooye hadii ana arinkni wax laga qaban waxay isugu iman dooonan shiriar iyo kulamo gaara oo lagaga arinsanayo sidii looga gudbilahaa mid ka mid ah caqabadahani.

Ugu danbayna waxaan leeyahay Haydaha Sharciga,xukuumada dhexe,iyo madaweynahana in arinkani hoos loo eego xal deg deg ah laga gaadho si qoomiyadani ay uuga baxdo dhibaatada lagu hayo.

Wabilaahi Tawfiiq

Suldaan Daair Xasan Khaliif

Hargaysa Somaliland
daakir100@hotmail.com

Comments are closed