|

Odayaashii Dhaqanka Ee Puntland Uga Qayb galay Shirka Muqdisho Oo Ka Baxay Shirka & Ujeedada Ka Dambaysa

May 17, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Ergadii Puntland uga qaybgashay shirka Odayaasha dhanka ee magaalada Muqdisho ka socda ayaa ka baxay shirka, isla markaasna dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo ay markii hore ka soo ambabaxeen odayaashaasi.

Ka bixitaankan Odayaasha reer Puntland ee shirka oo aan la faahfaahin waxa keenay ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxaana ugu horeyn arrintan ka hadlay wasiiru dowladaha Dastuuka ee xukuumada Sheekh Shariif . wuxuuna sheegay in odayaasha baxay ay wax yar yihiin, wuxuuna intaasi ku daray in dadka shirka ka baxay ee Tagay Puntland ay u badanyihiin sida uu yidhi shaqaalihii Madaxtooyada Puntland ee C/raxmaan Faroole, ayna joogaan Odayaasha intooda badan sida uu yidhi wasiir ku xigeenku.

Sidoo kale ka bixitaanka shirka ee Odayaasha ka soo jeeda Puntland waxaa ka hadlay afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo ka mid ah kuwa shirka ka baxay wuxuuna sheegay in shirka gebi ahaantiisaba uusan aheyn diyaar markii ay tageen xilli kastana ay ku soo biirayaan Odayaal dhaqameed badan, isla mar ahaantaana aysan haba yaraatee jirin shir ay ka qaybgaleen oo aan ka ahayn furitaankiisa.

Garaadku waxa uu tilmaamay in shirka Muqdisho aysan uga bixin cadho iyo bahdil, balse ay go’aan sadeen inay talo iyo turxaan bixin kula laabtaan shacabka reer Puntland ee ay u matalayeen Shirka ayna Jecel yihiin in markastaba ka shaqeeyaan midnimada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray inay Muqdisho uga soo tageen arrimaha ay ka midka yihiin Dastuurka oo aan dhmaystirnayn, Dhamaystirka qabyada Dasturka oo aysan dowladdu cadeyn xilliga la dhamaystirayo, Xog faahfaahsan oo ku saabsan dastuurka oo aan isimada loo soo gubin iyo arrimo dhamaantood ku taxaluqa Dastuurka Soomaaliya.

Garaadku wuxuu tilmaamay maadaama mudadii ay goobta joogeen aysan waxba uga suuragelin waxyaabihii ay u tageen muqdisho, arrimuhuna ay ahaayeen kuwo aan kala cadayn oo iska daba laabanaya waxay isimadii Puntland go’aansadeen inay dib deegaankii ay ka tageen ugu soo noqdaan si bulshadii soo wakiilatay uga xog waramaan sida ay wax u jiraan, isagoo tilmaamay inay arrimihii loogu yeedhay ay aad u qasanyihiin, isla markaasna aysan jirin wax lagu kordhiyey xogtii ay hayeen.

Dhinaca Kale Garaadku wuxuu beeniyey in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay Odayaashan Puntland ka socday oo keenay in qaarkood ay muqdIsho ku hadhaan wuxuuna carabaabay inay jiraan shaqsiyaad ka mid ah Odayaasha oo muqdisho ugu hadhay arrimo shaqsiyadooda u gaar ah oo aan la xidhiidhin arrimihii ay sida guud ugu tageen Muqdisho.
“Dad soo cadhooday ma nihin, dad shiki la soo gurya noqdayna ma nihin, laakiin waxaanu ku soo noqonay in la saxo wixii soomaali ku heshiisay ee umadda soomaaliyeed u wada cuntamaya, horumarkana lagu gaadhayo” ayuu yidhi Saciid Maxamed Maxamuud oo ka mid ah Isimada Puntland oo intaasi ku daray in laga tagay federaalka, taasna ay qeyb ka tahay waxa ay qoonsadeen.

Cadceednews, Hargeysa

Comments are closed