Madaxwayne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Badhasaabkii Gobolka Salal Gudoomiye Cusubna Magacaabay
May 5, 2012 Hargeysa (Cadceed) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilkii ka qaaday badhasaabkii gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul, waxaana isla caawa Magacaabay Guddoomiye cusub.
War-saxaafadeedka lagu shaaciyey xil ka qaadistan oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Cadceed ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne xilkii uu hayey ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Salal, Mudane, Maxamed Muuse Bucul.
Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1081/052012 ku magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Salal.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha Gobolka Salal;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu ku Qancay: In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
XILKA QAADIS
Mudane,
Maxamed Muuse Bucul.
Aniga oo kaga mahad celinayaa mudadii aad Xilka Gudoomiye-nimada ee Gobolka Salal aad soo waday hawshiisa, waxa aan Go’aansaday laga Bilaabo Taariikhda ku Cad Digreetadan in aan kaa qaado Xilkii Gudoomiyaha Gobolka Salal.
Iyada oo sunaha Dawladnimo ay tahay Dabcigiisa in xilku yahay meerto, sidaa awgeed waxa aan ku farayaa in aad Sida ugu haboon xilkii ugu wareejiso Masuulka Cusub ee aan u igmaday in uu xilkaasi ka sii amba qaado halkaa.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.