|

Diyaargarawga Iyo Qabanqaabada Dabaaldaga 18-ka May Oo Laga Dareemaayo Dalka Canada Gaar Ahaan Magalada Ottawa.

Salaan qaaliya dhamaan hawlwadeenada Cadceednews, Waxaa laga dareemayaa wadanka Canada gaar ahaan magalada Ottawa diyaar garaw balaadhan oo loogu dabaal dagaayo .Maalinta qaranimada Somaliland ay dib ula soo noqotay madaxbanaanideedii ku dhacday ceelka maalintan oo shucuurta Somaliland ku xardan meel qaaliyana kaga taala hadaba sanad guuradan 21 ee ka soo wareegtay maliintii aynu xornimadeena aynu soo ceshanay hadaba waxaa laga dareemaya magalada Ottawa dhaqdhaqaaqyo badan oo loogu diyaar garoobaayo xaflada hadaba waxaan u mahad naqayaa Somaliland Women Assocition oo runtii meel fiican ka ciyaaraya xafladan qaaliga ah iyadoo ay noqondoonto xafladii abid laga dhigo Ottawa tii ugu waynayd taas oo sanadkan ay nagala soo qaybgalayaan qaar kamida wasiirada Somaliland iyo suldaano cuqaal waxaana meesha ka madhnayn fanaaniinta kuwii loogu jeclaa oo uu horkacaayo nuur daalacay ,cawaale adan ,cabdi jibaar sidoo kale waxaa ka soo qaybgalaya martisharaf ka socota dawlada Canada waxaan usoo jeedinayaa dhamaan jaaliyada Somaliland ee Ottawa iyo nawaaxigeeda inay mujiyaan qaranimadooda oo ay dalkooda iyo shacabka somaliland la garab istagaan hiil iyo hooba mujiyaana shucuurtooda waxaa inoo balana 18ka may oo aynu muujino inaynu nahay qaran jira cadawgeenuna ka naxo …….

by Mohamed Ahmed Cige(mohamed case)
ahmed_farah43@yahoo.ca

Comments are closed