Daawo Xafladii 18-ka May Ee Ottawa Oo Noqotay Tii Ugu Quruxda Badnayd Abid Iyo Fanaaniinta Caanka Ah Ee Cawaale, Alkhaliiji, Sahra Halgan, Yusuf Dhere Iyo Nuur-daalacay Oo Gilgiley Caasimada
May 21, 2012 Ottawa (Cadceed) – Habeenimadii Axada ee taariikhdu ahayd May 20, 2012 waxaa Caasimada dadlka Canada ee Ottawa lagu qabtay Xaflad weyn oo loogu talagalay xuska sanad guurada 21 ee gooni isutaaga Somaliland. Xafladaas oo ay si qayrul caadiya u soo buuxdhaafiyeen dadweynaha reer Ottwa iyo magaalooyinka ku dhaw dhaw ayaa noqotay xafladii ugu balaadhnayd Abid ee lagu qabto Magaalada Ottawa ee loogu dabaaldego Munaasibada 18-ka may.
Xafladaas waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahayd wakiilka cusub ee Canada Ambassador Marwo Luula Axmed Cismaan, taasoo goobta xaflada ka soo jeedisay Khudbad aad u qiimo badan oo taariikhiya.
Dhinaca masraxa waxaa meesha ruxay oo gilgilay Fanaanniinta caanka ah ee kala ahaa Fanaanka Weyn ee codka dahabiga leh Cawaale Aadan, Cabdi Jabaar Al-khaliiji, Fanaanada codka toolmoon Sahra Halgan, Fanaanka Weyn ee Yuusuf Dheere iyo Nuur Daalacay. Sidoo kale waxaa iyaguna goobta ka soo xaadiray fanaanada Sahra Halgan iyo Yuusuf Dheere.
Fanaaniintan oo ahaa fanaaniin ay dadku aad u xiiseeyaan ayaa gilgiley ayaa wacdaro ka muujiyay goobta xaflada, iyagoo qaaday heeso dhiiga dadka dhaqaajiyay taasoo keentay in dadkii meesha fadhiyay oo kumanaan kor u dhaafay ay masraxa wada boobaan si ay jidhka u kala bixiyaan.
Si kastaba ha ahaatee xafladaasi waxay ahayd sida ay dadku isla dhexmarayeen tii ugu balaadhnayd ee abdi lagu qabto Ottawa, waxaanay ku soo gabagabowday jawi degan iyo farxad
Cadceednews, Ottawa

























































































