Daahfurkii Ururka Siyaasadeedka Nasiye Ee Magalada London(Daawo Sawirada)
May 7, 2012 London(Cadceed) – Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Bariga magalada london gaar ahaan Xafada tower hamlets,taasi oo lagu tala galay in lagu Daah furo urur Siyaasadeedka Nasiye,waxa kasoo qayb galay Dadwayne ka Kala yimiday dhamaan London iyo guud ahaan Uk, taasi oo ay ka mid ahayeen Aqoonyahano Odaydhaqameedyo dhalinyaro iyo haweenka kasoo jeeda somaliland Ee Tageerayaal u ah Xisbiga Cusub ee Nasiye.Waxa kasoo Qayb Galay Xoghaya Guud Ee Ururka Nasiye Dr Omer,waxa lagu doortay halkaasi afar xubnood oo noqon doonaa hagaanka guud ee ururka nasiye ee wadanka Uk.Xafladuna waxay kusoo dhammaatay jawi farxad iyo guul.
Waxaa Isla goobtii Lagu Doortay:
Gudoomiye: Said Mohamed Gaadhaye
Gudoomiye ku xiggeen: Xildhibaan Abdifatah Adan
Xoghaye Alinaadi abdillaahi hassan
Qasnaji: Abdirahman Dahir Ojor
Wariye Abdirahman Daahir
London, Uk
abdirahmandaahir@yahoo.com







