|

Mucjisada Aduunka: Nin U Dhashay Dalka Maraykanka Oo Bilaa Gacmo Ah Hadana Mudo Daqiiqada Ku Badalanaya Bireegyada Baabuurkiisa Iyo Birkasta Oo Ka Xumaata. Daawo Video

June 22, 2011(Cadceed) – 28 jir u dhashay Maraykanka oo lagu magacaabo Matt Stutzma oo gacma la’aan ah ayaa ka yaabiyay dunida isagoo wax kasta qabsan kara waxuu doonana sameyn kara isagoo isticmaalaya lugahiisa iyo farahiisaba.

Mr Matt Stutzma horay wuxuu leeyahay laba ciyaal ah sida uu ku sheegay Interviyuuga uu bixinayay waxuuna sheegay in uu aad u jaceyl yahay ciyaalkiisa.
Mr Matt Stutzma ayaa waxuu sameynayaa wax yaaba macquul aan aheyn oo ay ka mid tahay isagoo fur furaya baabuurkiisa kadibna xidh xidhaya, waxuu doonana ka sameyn kara isagoo waliba isticmaalaya Lugahiisa arintaas oo wax lala yaaba noqotay.

Sida Wargeyska Dailymail lagu daabacay Mr Matt Stutzma waxuu ka sheekeynayaa Nolashiisa isagoo sheegay in uu mudo ka badan 16 saacadood uu ku safray baabuurkiisa waliba isaga oo gaadhiga kaligiis waday, taas oo wariyihii barnaamijka ka duubayay ka yaabisay.
Hoos Ka Daawo Isagoo Ciyaaraya Ciyaarta Falaadha Adigaa Yaabi Doonee

Cadceednews
Cadceednews@gmail.com

Comments are closed