HALKAN KA DHAGAYSO Waraysigii Radio Cadceed La Yeelatay Fanaanada Weyn Ee Laga Dabadhacay Ee Codka Dahabiga Leh Deeqa Axmed Gaydh
June 16, 2011 Ottawa(Cadceed)- Sidii aan horay idiinka balan qaadnay waxaan idiin haynaa waraysi aad u qiima badan oo aan la yeelanay Fanaanada ilaahay codka ugu hibeeyay Deeqa Axmed Gaydh. Dadka qaar ayaa iswaydiiya in codka Deeqa la dhex mariyo Computer markay ka yaabeen codka macaankiisa, balse taas maanta halkan bay Deeqa ku beenisay kadib markay Cod Bilaa Music ah ka dananisay. Aan idiin kala baxo Deeqa ee dhagahaaga fur oo adigu xukun.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
asc wr wb
marka hore waxaan salaamayaa bahda warbaahinta cadceed gaar ahaan radio cadceed oo noqday radiowyada aadka looga qiimeeyo dunida waxa kaloon salaamayaa wariye mustafe cabdi xaaji oo aan isku magacnahay kkkk, deeqa adigana waxaan ku leehay codkaagu maashaa alaah inaba caadi maaha waaaaaaaaaaaaaw
maashaa alaah codbaaa ku dhamaaday deeqa gaydh waa fanaanad aad aan u jeclahay codkeeda
Maansha Allah ilaahay baa cod ku manaysata fanaanada Deeqa. Radio Cadceedna waxaan leeyahay waxaad haysaan hawl aan la qiyaasi Karin oo loo baahnaa in fanaaniinta qiimahaas leh dadka la maqashiiyo.
Well Done Cadceed
Walaahi waxaasaa idaacada waraysanaysa dadkaan ugu jeclayn inaan dhagaysano, cadceedna waxaan idinku dardaarayaa inaad ka fogaataan waxyaabaha dadka kala fogaynaya iyo foolxumada ee sidaas aad ku wadaan noogu wada ……Maansha Allah…. Yaa Salaaaaaaaaaaam
Cadceedeey waxaad noqotay meel lagu soo hirto oo runtii ah Website-ka loogu hadal haynta badanyahay markaad eego gudaha iyo dibedaba waxaanad ku kasbateen dadaal dheeraaad ah iyo wanaag.
Bilaa Caleek Yaa Cadceed.