|

Ictiraafka Somaliland ma waxa uu ku xidhan yahay dawlada Somaliya?

Somaliland oo muddo dheer geed dheer iyo geed hoose u fuushay sidii ay caalamka uga heli lahayd dal mar uun u aqoon sada qaran ka madax banaan Somaliya intiisa kale ayaan haba yaraate aan ku guulaysan arrintas ,waxana maamulada hogaanka u hayay Somaliland uu midkasta dadweynah u sheegaa in ay soo dhawdahay maalintii uu caalamku u aqoon san lahaa dal ka madax banaan Somaliya balse ilaa waqtigan xaadirka ah ay beesha caalamka u aqoon satahay gobolo ka tirsan jamhuuriyada Somaliya oo ku guulaystay in ay dib u hantaan xasiloondii iyo degnaan shaha
isla markana ay ka dhacaan doorashooyin dimquraadi ah oo ayku loo lamayaan axsaab siyaasadeed taas oo aan ka hana qaadin Somalida inteeda kale.

Hogaamiyaasha siyaasadeed ee Somaliland ayaa waxa ay horay isaga fogeeyn jireen shirarka uu caalamka u qabto Somaliya ,iyaga taas ku sababayn jiray in ay yihiin dalka ka madax banaan Somaliya isla markana uusan shirkani khusayn
Balse haatanS ayaa waxaa muuqata in hogaamiyaasha cusub ee ma jaraha u haya Somaliland ay u qaateen mowqif ka gedisan arrintas,waxana wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland uu si rasmi ah bishii hore uga qayb galay shirka dhacay magaalada London kaas oo diirada lagu saarayay arrimaha Somaliya,

Waxana talaabada wasiirka isla markiiba dhaliilay siyaasiin reer Somaliland kuwaas oo u arkay in wasiirku uu meel kaga dhacay mowqifkii Somaliland ee ku aadan in arrimaha Somaliya ay Somalida gaar u yihiin balse Somaliland ay tahay dal ka madax banaan
Sidoo kale siyaasiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee talada haya ayaa waxa ay si bareer joornaalada ugu soo qoreen in ictiraafka Somaliland uu ku xiran yahay Somalida ayna tahay in lala fariisto isla markana lagu qanciyo in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan ayna sidaas ku ictiraafto
Waxaa siyaasiyiintani ay aamin san yihiin in madaxda kala duwan ee had iyo jeer booqashada ku tagaysa Somaliland ay u aqoon san yihiin maamulka Somaliland sida uu caalamka u aqoon san yahay maamulka Falastiiniyiinta balse aysan u aqoon sanayn dal qaran oo madax banaan
Waxayna tusaale u soo qaateen gobolka Darfuur oo ay dadku u codeeyeen in ay noqdaan dal madax banaan kadib markii ay dawlada Sudani sheegtay in ay aqbalayso aftida dadweynaha
Waxayna aamin san yihiin in ictiraafka muddada dheer la la’yahay uu ku xiran yahay in Somalida kale laga helo aqoon sasho iyo ictiraaf,madaxweynaha Puntland ayaa isaguna sheegay inuu qabo fikradan oo kale ,isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta Somaliland in ay marka hore Somalida kale ay waydiistaan
ictiraaf.

Hadaba Somaliland ayaa waxa ay haatan u muuqataa in ay si tar tiib tar tiib ugu soo biirayso shirarka Somalida kadib markii wax natiijo ah ka wayday iska fogayntii Somalida inteeda kale ictiraafkeediina u muuqday mid ku jira dawlada Somalida ee iyaduba qaadi la magaca dawlidnimo

Cabdulahi Muumin
Muumin12@hotmail.com

5 Comments for “Ictiraafka Somaliland ma waxa uu ku xidhan yahay dawlada Somaliya?”

  1. samaroon siciid

    KKKKKKKKKK ICTIRAAF KULA AAH???AAR WAX ICTIRAF LA HIDHADOO MA JIRTOO.WAX SOMALILAND LA HIDHADO MA JIRTOO WA ISAQ LAND.(MADAXWENUYU WA ISAAQ.WASIRADU WA ISAAQ,GURTIDA WA ISAQ)
    AWDALSTATE BA LAQABANQABINAYAA XAFLADEYDII LOGU WAN QALAYEY.AWDALSTATE A NOLATOO,SSC STATE A NOLATOO.WAR ISKA BADALA SOMALILAND MAGAACOO LABAXAA ISAQ STATE.(KKKK WA HARGEISA,BURCO IYO BERBERA)

  2. Samaroon siciid

    Adeer waad lunsantahay somaliland waa dawlad magaca reerka ee aad sidatona
    iska dhig oo qaado magacaga reer awdal ama samaroon waa dad somalilander ah
    oo xalaal ah lakiin waan ku fahamayaa waxad tahay kuwii rayaale caabudi jiray
    ee markuu meesha ka baxay ka sheekeeya beenta iyo khiyaaliga adeer runta iska sheega reerka makaahiil la yidhaa waa inay xishoodaan mida kale adeer
    magacan samaroon waa inaga dhexeeya hadad gunimo duurateen makaahiilkiinta sheegta oo magacan samaroon dee iska daaya ilayn dad badan
    buu isku xidhayaaye oo joojiya magac biiska aad wadaan waar reerku xishood darana

  3. Waxaa meeshaa ka cad in madaxda Somaliland ay aqoon ulaheyn siyaasada
    aduunku ku dhaqma ama dal sidii dalkale ee uu ka tirsanaa uga go`i lahaa
    oo aqoon xumadooda ay ku qaadatey 20 sano iney ogaadaan in ay somalia u
    baahan yahiin si uga go aan somalia oo citiraaf weydiis taan
    alla madaxda Somaliland damiinsanaa.

  4. Warsame

    Adigu ma waxadtahay mijiha somaliland hadad somalida
    Tahayna xaqba uma lihid inad ka hadasho madaxyada
    Waxa la yaable qof umadiisa fahmi waayo waxay tahay

  5. Warsame

    Adigu ma waxadtahay mijaha somaliland hadad somalida
    Tahayna xaqba uma lihid inad ka hadasho madaxyada
    Waxa la yaable qof umadiisa fahmi waayo waxay tahay

Leave a Reply